Gabayga Dhulgariir by Hadraawi

Dhulgariir

Abwaan: Max'ed Ibrahim Warsame "Hadraawi "

Tixdan cusub oo uu abwaanku shalay (02/05/2007) ku soo bandhigay gole la isugu yimid oo Hargeysa ah, wuxuu si ba'an ugaga hadlayaa haybsooca iyo aayoxumada ku jirta. Sidaas si la mid ah wuxuu ku dhaliilayaa guud ahaan dhaqan xumada bulshada haysata. Hadraawi wuxuu yidhi: "Aniga waxa ii hal-hays ah 'Anigu gob ku noqon maayo qof kale gunnimadii'". Tixda "Dhulgariir" waxay tidhi:

Axmedow nin dheeraad sitoo, dhiibsan baad tahay
Tukalaad u dhaaftaa kolkaad, dhaliso tii roone.
Dhalintii caleemaha lahayd, waygu dheertahay
Dhawr iyo shan dhawr iyo hadana, dhawrarbaa jiraye
Haddaan Beegsi kala soo dhexbaxay, tooda meel dhigaye
Labadii dhallaanimo lahayd, ways dhar urisaaye
Berberaawi dhuub iyo ka dhuub, waysu dhurannaaye.
Ilhaamay dhiggaagiyo hablaha, dhuude falanqeeye
Hadduu dhaguxu kala hayb tirsado, dheemman baad tahay.

Suugaantu waa dhaqan haddana, waa sud iyo dhiibe
Dhidib iyo lud bay leedihiyo, dhaabad iyo meele
Dhuuxuu ka eegaa ninkii, dhilan yaqaanaaye
Qofba waa dhankuu ka arko, iyo meesha uu dhigo'e
Dadka dhiiri iyo qawl sanbaa, lagu dhacsiiyaaye
Sida loo dhahaabuu khalqigu, ugu dhegtaagaaye
Dhunkaal iyo xajiin lama marshiyo, dhuumatiyo sheele
Sida dhuuni qaataha murtida, looma dheehtiro'e
Dhiidhiga nin laasimay hadduu, dheegto waa halise
Dheeldheelligaa laga jiraa, waa la dherershaaye
Dhexrooriyo waxaa lagu hojaa, weliba dhaad dhaade
Dhoomaha waxaa laga xushaa, teeda dhumuc weyne.

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa, sii dheh baa dilay
Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa, way dhebaandhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhane.

Gabaygani dhambaal buu sidaa, waayo soo dhaxaye
Dhul-gariirna waa kii la baxay, dhalashadiisiiye
Dhawdhawda qaadkiyo ka culus, dhaan wadaa yidhiye
Kana dheer is yeelyeelka iyo, ii dheh iyo faane
Qof dhabcaala mooyee nin kale, waw dhadhamayaaye
Xaajada halkaasaan dhigoo, dhaabad baw dihine
In la sii dhaqaajay rabtaa, dhaygag badanleeye
Oo loola dhaadhaco halkay, dhuux ka leedahaye.

Waxaa lumay dhudhumintii, runtiyo dheelli tirihiiye
Inta samaha dhuxulayn kartaa, waa dhif iyo kowe
Dhalool bay isugu biirtay iyo, tii dharjo ahayde
Dhulka wuu ku soo badanayaa, baal ku dhooruhuye
Dhan-xiiradu haddii ay maqlaan, ways dhufanayaane
Sinnaantay dhaliil moodayaan, tii Ilaah dhigaye
Dhinacay ka joogaan sharciga, waa dhis foorara'e
Marka ay dhanaaniga gashiyo, dhiibta kala guurka
Dhiillaha nin buuxshaa ma jiro, dhacarta jiilaale
Dhirin-dhirintu waa shay sanoo, lagu dhabriiraaye
Hal dhabaalahaa Awgayow, tii dhamayd geliye
Hays dhigan nin nooloow hiddadu, waysu dhimataaye.

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa, sii dheh baa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa, way dhebaandhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhane.

Laan dharab ka toostiyo Hibooy, dhool cas baad tahaye
Malaa roob la dhaca waad taqaan, dhiinka jookha lehe
Dhalankiisa shaygaa gobta ah, waad u dhigantaaye
Dhibic iyo cadceed looshan iyo, dheel gu'baad tahaye
Qurux iyo dheg baad leedihiyo, dhaabad iyo seese
Dherer iyo laf baad leedihiyo, dhaygag iyo yaabe
Dhebi heeg u baxay baad ka tahay, dhoobo jiifyada'e
Dhul fog baad ka laacdaa, sidii dheenta laalida'e
Ruuxii ku dhawraa si buu, kuugu dhegayaaye
Dhabeelnimana way kugu jirtaa, dhab iyo miisaane
Dhiidhiibsigaagiyo haddana, dhuda wanaagaaga

Dheehaaga maahee shishaad, dhuux u leedahaye
Dhulka lagama soo qodin dadkee, Aadan baa dhalaye
Adiga iyo hablaa dhinaca kale, waysu dhigantaane
Dhud qudhaa ka wada beeranteen, dhaadashada guude
Dhab-dhab baad ku kala leexateen, adiyo Joog-dheere
Dhawawalanka waxa kuugu wacan, amase dhoohnaanta
Dhimir bay ku saareen dabool, baali kaa dhigaye
Dhab-darrooyinkoodaa qalbigu, dhaawac dumayaaye
Dhafoor taabadkoodaa qod-qoday, dhabanadaadiiye
dhaqaaq joogsigaagiyo wejiga, dhaxanta saar saaran
Dhadhansiga dareenkaa ka culus, buuro soo dhacaye
Intaad adigu dhiilaysan tahay, taydu waa dhicise.

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa, sii dheh baa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa, way dhebaandhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhane.

Dhaf dhaf iyo hal hays beena baa, soo dhab dhabateene
Dhugatiyo cad xaaraan ah iyo, dhoohan may cunine
Dhamaas lagu takooriyo ma jirin, caado dhaaf kale
Dhab cad iyo ma haysaan daliil, meel la sii dhigaye
Dhaqankaas canbaaraynayaa, saaray dhiillada'e
Labadii hiyiga dheehi jirey, way ka dheer tahaye
Weligood dhibaadada aduun, looma soo dhixine
Dhaan dhaano maahee kashaa, dhooli mood tahaye

Intii aad dhisnaydeen iyagu, waa dhur sugayeene
Dhufaannimo hagooglay intaas, kula dhex joogeene
Dharaar uun in waa kale beryey, dhawrayeen abide
Dhegahay intaas la hadlayeen, waa dhab may odhane
Dhibaatadana way eegayeen, dhaayihii jireye
Cishaday dhanaan tahay haddii, laysu dholol fayto
Dhab u dirirka waa lagu yiqiin, dhaanto iyo shiishe
Rag hadduu dhabiiltamo naftay, dhigi yiqiineene
In kastuu xiniin dhaafyuhu, dhiirinimo sheegto
Mar haddaan dhalliil lagu gudbayn, dhalasho mooyaane
Dareenkiisu wuxuu dhaadayaa, hoos in loo dhigaye
Dhar-dhaarray ahaayeen intaa, dheri lahaydeene
Dhaddig iyo labkoodaa ka kale, dhinacyo taagnaaye
Ninka ay dhisaan baan isagu, tooda dhaydhayin.

Gudmahay dhabeeyeen ka badan, lag iyo dheeraade
Hadday dhigan lahaayeen mid uun, maalba may dhaqane
Dhaxalkiisa may soo xarayn, dhogorta xoolaaye
Weligood dhalaal subag ah iyo, dhaashi may heline
Dhay iyo karuur labada weel, dhoosha may geline
Hadday dhami lahaayeen miduun, dhiilba may tolanne
Dhegahooda maag baa qabsaday, shayna may dhimine
Sibaa loo dhaliilaa hadana, ruuxna may dhibine
Dhuyaal iyo kudaal bay damceen, dhiigna may geline
Dhulka waa ka sii guurayaan, ruuxna may dhicine
Dhoof bay ku daasteen inay, sibiq dhaqaaqaane
Dhalashada inay dooriyaan, bay u dhowdahaye
Dhagar inay galaan bay damceen, dhaarse may marine
Dhaaxaan ogsoonaa halyey, dhuuntay keligiiye.

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa, sii dheh baa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa, way dhebaandhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhane.

Godka dhidarka beelaha qotow, dhowr kal baa hadhaye
Hadduu dhiillo leeyahay dulmigu, waad ka dheregteene
Intaad weel manno ah dhaamiseen, waa dheg weyn tahaye
Dhanihii bad weyntiyo yuryuran, waydinkii dhuraye
Ulihii dharkaynkiyo cayada, waydinkii dhilaye
Dhamacdiyo dabkaad quudateen, maaha dhalanteede
Dhayal maaha maalmaha intaad, guulo dhigateene
Sabirkiina dheer iyo xaqaa, tiina soo dhicine,
Aduunyada ninkii dhalad yaqaan, waw dhab tiriyaaye
Dhibaatiyo waxaa lagu yaqaan, teeda dhinac taale
Markaasay is dhaaf dhaafisaa, labada dhoomoode
Meel dhowna wuu kula kulmaa, kay ka dheertahaye
Meel dheerna way kala tagaan, kay ku dhowdahaye
Nin xaqiina meel hoose dhigay, tiisu waa dhedo'e
Xumaantana wanaag baa dhaxlee, wayda haw dhimane
Naftu dhaaba dhaabaha hiyiga, way ku dhacantaaye
Kol haddii dhabada loo qorqoro, way ku dhilantaaye,
Mar hadii qalbiga ciil dhufsado, dhaaftay taladiiye
Sida dhoodi meerkii Taleex, haw dhaqaaqina'e
Dhirbaaxooyinkii quudhsigaa, dhuunta yuurura'e

Haddii dhagar inaad gaysataan, laabtu dhigi waydo
Sidaad dhaab u soofaysateen, haw dhabaynina'e
Cishadaad wax dhiilayn kartaan, dhaafa tii culuse
Sida aar jaguugaha dhufsaday, haw dhir laynina'e
Dhanka Eebahay xiga adduun, wayska dhalanteede.

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa, sii dheh baa dilay
Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa, way dhebaandhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhane.

Dhabdhabluhu markuu yimi arlada, may dhamayn talo'e
Waatay dhufaannadu khalqiga, soo dhex geliyeene
waa kii dhamaastiyo falkiyo, keenay dhalanteede
Waa kii dhibaabada la yimi, dheega dheegaha'e
Waa kii dhufaysyada qotee, dhoombir soo rogaye
Waatay dhankaas iyo dhankaas, baahday dhiilladuye
Markay dhabaqday waa kii shacbigu, soo dhalaashadaye
Waataad dhadhaabtiyo budkiyo, dhagaxa boobteene
Waataad go'aan dhiiri kulul, kaga dhabayseene
Gobanimada waa tii dhagdhago, dhaanto loo tumaye,
Dharaartaana waad wada jirteen, dhiiftii kululayde
Waa loo dhamaa maalmihii, laysu dhaarsadaye
Hayeeshee ma sii dhugan caqligu, teeda dhinac tiille
Dhiilladu halkay weeran tahay, looma faal-dhigine
Waa tii la dhaawacay markay, dhalatay guushiiye
Weligeed dhanbaa qaawanaa, dhidibadeediiye
Xaajana intay dhowdahay, dhaymo leedahaye
Shinkeedii markay dhaaftay bay, keentay dhabandheebe
Dhab-darro uma toosine nabsigu, wuu dharaarsadaye,
Dhacan baa la saaraa halkuu, eel ka dhow yahaye
Markaasay dhurwaagiyo colkiyo, dhowrta celisaaye
Nin dhug lihiba wuu garanayaa, suul dhabaalaha'e
Dhabbadaa u xaadheen ninkii, soo dhus layn jiraye
Dhextaalkeeda goortuu hubsaday, soo dhabacateeye
Dhalliilaha markuu sahansaduu, meel ka soo dhacaye
Dhawaaq toosiyow baxay lugtii, dhaaftay jeeniga'e
Waa kaas dhaqaaliyo hub iyo, dhoof u soo helaye
Dhuxul hoos ka nool iyo dabbaa, soo dhabiib kiciye

Dhacadiidka xaajada gashiyo, dhabano hayskeeda
Markii aan dhab deyey baan is idhi, dhacanta sii saare
Af dhabaan-dhabkeedii hadana, waan ku dhiiradaye
Dhanbaalkii digniintaan is idhi, caawa yuu dhixine,
Dheehada Rashiidow marbaan, neefka loo dhigine
Magaceeda oo laba kordhaban, yey dhawelantaaye
Marka dhiilka lala hoos galay, meelo dhugataaye,
Ummad yahay dhabaa loo hadlaa, waa is dhigateene
Dulmigii lafaa dhuuxay baad, dib u dhar-dhaarteene
Ummad baad xaqeedii dhamaa, dhababka saarteene
Gunaadkii naftii weli ma dhigin, waase dhiig baxaye
Garaadkiinu waa dhaafsan yahay, dhiilka buuxsamaye
Maantana waxaa idin dhex taal, tii dib loo dhigaye
Caaway u dhowdahay haddaa, dhugasho siisaane
Haddaan dhaymo loo helin xujada mooyi tii dhiciye.

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa, sii dheh baa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa, way dhebaandhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhane.

Dhillow-yahanku waa geed ka baxa, dhuunta geed kale'e
Iminkuu dhabbada soo hayaa, dhaankii reer Yurube
Ninkastoo is dhoob-dhoobi jirey, dhigaha loo laabye
Dheeraad hadday kala lahayd, laysu soo dhuraye
Markii dhuuni loo rogay arlada, dhoorku wada daalye
Dhallinyaradu way dayriyeen, dhalashadoodiiye
Waa taa ninkii dhowrsanaa, qaad ku soo dhacaye
Waa taa dhabeeshii hiddaha, dhaylo loo dubaye
Dhuuq-dhuuqlayaashii batiyo, heen dhalaashuhuye
Dheribay ku wada foorartaa, dhamaci hoostaale
Dhaddigiyo labkeedii waqtigu, dhaal isugu keenye
Ummaddii dhiraa kala lahayd, ways dhex huruddaaye
Dheg dhegiyo lafaa dhuubtay iyo, dhogor xumaantooda
Qaraamaad markay wada dhantaa, dheehu doorsamaye
Hadday dhoojo wada yeelatiyo, dhiico iyo tuure
Haddii dhawrsanaan lagu yiqiin, dhimay hankeediiye.
Intaasoo dhamiba waa su'aal, dhiilo fool kulule
Dhankeenay ka timi ceeb, wixii ina dhexyaalaye
Dhibaatada xilkeedii horaa, ugu dhabcaasheene
Maantana sidii dhagax dixeed, hawgu sii dhegine
Haddaan dhaarta dhaar laga xushiyo, Eebbe kugu dhaarsho
Inta gabay dhaf leeyahay haddaan, kaaga dhira fuulo
Haddaan dhaho haddaan dhigo, haddaan weliba dhiib dhiibo
Anigoon wax kuu dhimin haddaan, dhegaha kuu buuxsho
Dhaq dhaqaaq ma kaa iman karaa, dhowrta lagu baajo.

Dhabtuun baa khalqigu diidayaa, meesha dheer tegaye
Dhul-gariirka waa laga baqaa, waayo soo dhaxaye
La dhex joogi maayoo arlada, dheelmashow qorane
Qofba wuxuu dhigtaa baa u yaal, dhiilka aakhiro'e
Ninkii dhiiri sheegtow is furo, waa dhanaan tahaye.

Dhammaad