About Us

About Us

Darka Aftahan.com

Ku soo dhowaada Rugta Ururka Aftahan.Org oo ah ardaa bilic ahaan bila Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida. Waa rug lagu weeleeyey kayd ahaan xog badan oo ku taxmaysa dhaqanka, afka iyo suugaanta soomaalida oo si hufan loo soo bandhigay cillad la'aan. Dib-u-habayntan Aftahan.Org waxa ay soo kordhinaysaa waxyaalo cusub, waxaanay horumarinaysaa waxyaabihii hore. Waaxyaha cusub waxaa ka mid ah qaybta faafinta, faallaynta iyo iibin geynta buugaagta, qayb ku saabsan akhriska buugaagta qoran (electronic books), qaybta heesaha qoran iyo taariikhda, waxana dib loo hagaajiyey, lana ballaadhiyey qaybaha maqaallada, suugaanta iyo diinta.

Xogtan kaydsan waxaa loogu talo galay inay ka faa'iidaystaan ardayda, cilmi-baadhayaasha, suxufiyiinta, qoraaga iyo bulshada inteeda kale ee jecel dhaqanka iyo suugaanta. Xuquuqda xogtu waxa ay u reebban tahay Aftahan.Org. Fadlan raad raac ku samee agabka aad rugtan ka xigato ee aad u adeegsanaysid Qoraal, Wargeys, Idaacad, Telefishan, Website iwm.

Ururka Aftahan Org

Ururka Aftahan (aftahan organisation) waxa la aasaasay horraantii 2001-dii, isagoo ku hawl geli jirey darka ama mareegta internetka ee www.aftahan.com. Darkaas oo ku hawlannaa, akhristayaashiisana ku soora dhuuxa iyo nuxurka macaan ee suugaanta, dhaqanka iyo afsoomaaliga ayaa waxa uu haatan u xuub-siibtey urur dhaqameedkan AFTAHAN iyadoo sannadkan 2004 si rasmi ahna loo sharciyeeyey.

Ereyga uu magaca ururku saanyadey ee 'aftahan' oo macnihiisu muujinayo cod-karnimada, aqoonta shishe ee xeel-dheerida afka, suugaanta iyo dhaqanka ayey ku sargo'an tahay waxqabadkiisa iyo himilooyinkiisa horumarineedba. URURKAN AFTAHAN waxa uu ku mashquulsan kocbinta, korinta, kaabbidda iyo kaydinta dhaqanka, afka iyo suugaanta soomaalida. Waxa aanu door muuqda ka soo qaatay Socdaalkii Nabadda ee Hadraawi hormuudka u ahaa isagoo ururkan waabkiisu warsaxaafadeed iyo wacyi-gelinta u ahaa socdaalkaa taariikhiga ahaa, wada shaqayn wanaagsanna la sameeyey ururadii kale ee isu xilsaaray arrintaas. Ururkan Aftahan waxa uu ahaa ururkii ugu horreeyey ee dhaqan geliya himilooyinkiisa si toos ah iyo si dadbanba, waxa uu qayb libaax ka qaatay horumarinta iyo kaydinta suugaanta, iyo soo bandhigidda hiddaha iyo dhaqanka, dhiiri gelinta dhigaallada iyo dhigmayaasha (buugta) waxa kale oo intaas u dheer dhiiri gelinta

Ujeedooyinka ururka

Ururinta, kaydinta iyo soo bandhigidda qiimaha iyo qaayaha dhaqanka, suugaanta iyo af soomaaliga
Kobcinta suugaanta iyo afsoomaaliga
Qarxinta hibooyinka hal-abuurnimo ee maansayahanada cusub, qoraayaasha iyo geeddi gelinta wax-soo saarkooda
Ururku waxa uu isku deyi doonaa inuu soo bandhigo xaflado iyo kulammo joogtaysan oo ku saabsan dhaqanka, suugaanta iyo afka soomaaliga, kuwaas huwanaan doona ficilooyin iyo falaadyo sida muraayadda la isaga dhex arki doono carruur iyo cirrooleba ama yar iyo weyn iyo rag iyo dumarba.